Shirkadda Telesom & Kulliyadda Tabobarka Macalimiinta oo  Si Wadajir ah u daahfuray Isticmaalka Adeegga Tabsera

Hargeysa – (warsoor) – Telesom & Kulliyadda Tabobarka Macalimiinta ayaa si wadajir ah u daahfuray Isticmaalka adeegga Tabsera oo ay Kulliyaddu u dooratay in ay ku gudbiso duruusta tabobarka Macalimiinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Adeegga waxay kuliyaddu ku  isticmaalaysay muddo 3 bilood ee goobaha waxbarashada la joojiyay in la isugu yimaado Xannnuunka Karoona fayras darteed. Waxana muddadaasi kulliyadu ku guuleysatay in ay sii wado tabobarkii u socday macalimiin gaadhaysa 300 oo macalin iyaga oo isticmaalaya Tabsera. 

Telesom & kulliyaddu waxay ku heshiiyeen in la sii wado wadashaqaynta isticmaalka Tabsera ee Waxbarashada fog oo Macalimiintu ay waxbarashadooda ku qaadan karaan iyaga oo kala joogga gobolada wadanka.

Munaasibad arrintaasi lagu daah-furaayey ayaa 18 July 2020 lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Waxana ka soo qayb-galay: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska, Md. Axmed Maxamed Diiriye, Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda Telesom, kana mid ah Boodhka Shirkadda, Mr. Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed), Guddoomiyaha Kulliyadda Tabobarka Macalimiinta, Axmed Cali Quulle, Macalimiinta kulliyada ee adeegga Tabsera isticmaalaysay, Xubno ka socday Jaamacaha & Hay’adaha Waxbarasho ee dalka iyo Masuuliyiin ka socota Shirkadda Telesom.

Halkan ka daawo warkan: