Shirka Soomaaliya iyo Dowladaha Safka hore oo Furmay

MUQDISHO – (WARSOOR) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdishu ka furtay Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore ee dariska(Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo. Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galaya Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto, Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu danbaysay in ay marti-geliso shirar-Madaxeedka heer Gobol sannadkii 2016-kii oo Muqdisho ay isugu yimaadeen Madaxweyneyaasha dalalka IGAD.

Ujeedooyinka Shirka Soomaaliya iyo Dowladaha Safka hore: