Shirka Afisyooni oo dib u furmay maanta

MOGADISHU – (WARSOOR) – Madaxda Dowladda Federalka, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Arbaco ah mar kale ku kulmay xarunta ciidanka cirka ee Afisyooni, halkaas oo uu uga furmay shir albaabadu u xiranyihiiin oo ay kaga arrinsanayaan ajandaha shirka kan xiga ee doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa shirkan oo horudhac ah ka soo qeybgalay Madaxweyne Farmaajo, Ra’isul Wasaare Rooble, madaxweyneyaasha shanta maamul goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Madadaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay war soo baxay goor hore oo saaka ah, kaas oo sheegayay in dib-u-dhac uu ku imid shirkan, waxaana qoraal uu bartiisa Twitter ku soo qoray agaasimaha war-faafinta madaxtooyda C/rashiid Xaashi uu ku sheegay in dhammaan ka qeybgaleyaasha shirkan ay ku suganyihiin xarunta Afisyooni ee shirku ka dhacayo.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inay weli jirto kala fogaasho la xiriirta hannaanka doorashada, waxaana is-mariwaagan u dhexeeyaa madaxda Dowladda Federalka iyo labada maamul ee Jubaland iyo Puntland.

Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer oo hore ugu baaqday labada dhinac ee Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleedyada inay ka heshiiyaan hannaanka doorashada.

‘Waxaan ku boorineynaa madaxda Dowladda Federalka iyo Maamul Goboleeyada inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah, si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo, wakhtigeeda iyo si nabad ah ku qabsoomi karta, iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan, si loogu oggolaado Soomaaliya in ay horay u socoto” ayaa lagu yiri bayaankii ugu dambeeyay ee shalay ka soo baxay beesha caalamka.

Xigasho: VOA SOMALI