Shil Diyaaradeed oo ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garowe

Garoowe- (warsoor) – Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Jabuuti Airlines ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ka dib Markii cillad matoorka ah ay soo wajahday.

Sarkaal ka tirsan maamulka garoonka ayaa TV-ga Qaranka u xaqiijiyey in shilka diyaaradaan oo rakaab ka soo qaaday Jabuuti aanay cidina wax ku noqon  oo ay bad qabaan dadkii saarnaa dhammaantood.

Sarkaalka ayaa sheegay in gaadiidka dabdamiska ah ee garoonka Garoowe ay cilladi ku jirtay marki ay duuliyayaasha diyaaraddu maaamulka garoonka u soo direen fariin ah inay cillad gurmad dag dag ah u baahani ku timid Diyaaradda.