Shacabka reer Ceerigaabo oo soo Dhaweyn aan Kala Hadh Lahayn ku Qaabilay Murrashax Muuse Biixi Cabdi

Ceerigaabo – (warsoor)- Shacabweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa si aan kala hadh lahayn u soo dhaweeyey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo ku maraya gobollada bariga, gaar ahaan Sool iyo Sanaag oo ay ka socoto qaadashada kaadhka codbixiyayaasha Somaliland.

Weftiga oo kasoo kicitimay degmada Fiqi-fuliye oo ay xalay u hoydeen, ayaa kumanaan qof oo ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Ceerigaabo oo watay noocyada kala duwan ee gaadiidka oo uu ka babbanayey calanka xisbiga KULMIYE ay kaga hortageen dariiqa dhinaca Koonfur/bari uga baxa iyagoo sita calanka xisbiga, kuwaas murrashaxa iyo weftigiisa u gelibinayey xarunta xisbiga KULMIYE ee magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay soo buux dhaafiyeen kumanaan ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada kadibna ay khudbado uga jeediyeen madaxdu.

Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Sanaag oo halkaas ka hadlay, ayaa ka xog-warramay xaaladda guud ee gobolka iyo waxyaabaha xukuumadda KULMIYE hirgelisay muddadii ay xukunka haysay, iyaga oo weftiga uu hoggaaminayo murrashax Muuse Biixi-na si weyn ugu  mahadnaqay.

Haldoorka, waxgaradka, cuqaasha iyo salaadiinta gobolka Sanaag oo ay kamid yihiin Suldaan Ismaaciil Nuur Wacays (Qudde) iyo Suldaan Cali Badda-cas oo safka hore kaga jirey soodhaweynta wefiga murrashax Muuse Biixi Cabdi oo madasha ka hadlay, ayaa shacabka reer Ceerigaabo ku ammaanay sida aan kala hadhka lahayn ee ay soo dhaweynta uga qayb qaateen,

waxaanay weftiga ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan sidii ay bulshada gobolka Sanaag ugu wacyigelin lahaayeen inay qaataan kaadhadhka cod-bixinta.

Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Warfaafinta Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Biyaha Md. Xuseen Cabdi Boos, Kalluumaysiga Md. Cali Jaamac Faarax (Buureed) iyo Wasiir-u-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamuud Jaamac Warsame iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna shacabka gobolka Sanaag si guud ugu guubaabiyey inay si buuxda u qaataan kaadhadhka codbixinta, iyaga oo sidoo kale ku adkeeyey inay maanka ku hayaan waxqabadka xukuumadda KULMIYE ka fulisay gobolka, isla markaana uu waxqabadkaasi yahay halbeeg muuqda oo lagu qiimayn karo dedaalka xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu bogaadiyey shacabka reer Ceerigaabo soo dhaweynta qiimaha leh ee ay ku qaabileen isaga iyo weftigiisa iyo kalcaylka ay u muujiyeen, waxaannu ku dheeraaday qorsheyaasha xisbigiisa uga meel yaalla sidii loo horumarin lahaa khayraadka dabiicigi ah ee Gobolka Sanaag caanka ku yahay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xabkaha, Faleenka iyo weliba xoolaha nooli.

Murrashax Muuse Biixi waxa uu bulshada reer Ceerigaabo horteeda qodob-qodob ugu sharraxay waxyaabaha xisbiga uga qorshaysan inuu ka hirgeliyo guud ahaan gobolka Sanaag, kuwaas oo diiradda lagu saaray arrimaha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada, khayraadka badda iyo biyaha, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ceerigaabo waxyaabaha ay u baahan tahay ee aanu muhimadda siinaynaa waa horumarinta xeerbaha oo ay khayraad  badan ku leedahay iyo waddooyinka isku xidha xeebaha iyo laamida Ceerigaabo ku joogto, waxa kale oo mudnaanta koowaad ah Biyaha, waayo dalku Bari buu u badan yahay oo u ballaadhan yahay, dalkuna waa oomane, qoddobka kalena waa xoolaha oo aynu qorshaynayno sidii loo dhiqi lahaa xoolaha oo ka duwan sidii hore ee reer guuraaga ahayd, marka Biyo ku filan loo helona waxa loo abuurayaa Calaf, dabadeedna way dhaqmayaan iyaga oo aan reer guuraagii ahayn. Qodobka saddexaadna waa in la dhammaystiro Cusbitaalka Ceerigaabo oo kamid ah kuwa casrisan ee dalka laga dhisayo, qodobka Afraad ee aynu xoogga saarayno ee Barnaamijka xisbiga idiinku jiraana waa horumarka waxbarashada iyo caafimaadka, gaar ahaan degmooyinka.”

MUUQAALKA WARKA HALKAN HOOSE KA DAAWO:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.