Shacabka Masar oo u dareeray doorashada madaxweynaha

CAIRO – (WARSOOR) – Shacabka waddanka Masar ayaa maanta oo Axad ah billaabay inay codkooda ka dhiibtaan doorashada madaxtinimo ee lagu wado in C/fataax Al-Sisi markii saddexaad loo doorto xilka madaxweynaha, xilli dalkaas uu wajahayo dhaqaale-xumo iyo dagaal ka socda xadka uu la wadaago Gaza.

Haddii Sisi uu ku guuleysto muddo lix sano ah oo cusub, muhiimadiisa dhow waxay noqon doontaa inuu xakameeyo sicir-bararka daran, maaraynta lacag yarida joogtada ah, iyo ka hortagga qulqulka colaadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza.

Codbixinta, oo socota 9 subaxnimo ilaa 9 galabnimo ee xilliga Masar ayaa soconeysaa saddex maalmood, iyada oo natiijada la filayo in lagu dhawaaqo 18-ka december.

Heeso waddani ah ayaa si toos ah loo tumay, iyadoo goobaha codbixinta laga furay subaxnimadii Axadda ee magaalada Qaahira, halkaas oo sawirada Sisi lagu tixay toddobaadyo kahor doorashada. Booliiska rabshadaha ka hortaga ayaa la dhigay afaafka hore ee fagaaraha Taxriir Square ee bartamaha caasimadda.