Saciid Deni: Waan u aari doonnaa mas’uuliyiinta la dilay

GAROWE – (WARSOOR) – Madaxweynahha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, oo ka hadlay falalka argagixiso ee ku soo noqnoqday Puntland, ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin ammaanka wax looga qabanayo.

Deni ayaa hadalkan jeediyey kadib markii qarax shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo lagu dilay guddoomiyihiin gobolka Mudug iyo dhowr qof oo kale.

Qaraxa ayaa ahaa kii labaad oo wax ka yar laba bilood gudahood lagu dilo guddoomiye gobol, kadib markii sidoo kale qarax dhacay bishii March lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal.

Deni ayaa sheegay inay hayaan raadad la xiriira dilalka guddoomiyeyaashan, islamarkaana ay u aari doonaan masโ€™uuliyiinta la dilay.

XIGASHO: VOA SOMALI