Sababtii Ambaasadar Safiinna loogu Xidhay Kenya oo la Ogaaday

Nairobi โ€“ ย (warsoor) – Xoghayaha xisbiga WADDANI u qaabilsan arimaha Carabta Amb. Axmed Safiinna oo maanta laga sii daayey xabsi yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib maalmo uu halkaasi ku xidhnaa, ayaa la ogaaday sababta keentay xadhigiisa.

Inkastoo aannu Amb. Axmed Safiina weli ka hadal xadhigiisa iyo cidda uu u xidhnaa toona, haddana sida ay xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo ku sugan magaalooyinka Nairobi iyo Hargeysa xadhiga masuulkan ayaa ah mid caalami ah oo ay ka dambeeyeen Bileyska caalamiga ah ee dambiyada ee magaciisa la yidhaa INTERPOL.

Warku waxa uu sheegay in ciidan ka tirsan bilyaska INTERPOL ka qabteen Amb. Safiina magaalada Nairobi oo uu safar ku ahaa, kadibna ku xabiseen xarun ay ku leeyihiin dalka Kenya, si ay wax uga waydiiyaan tuhunno isaga galay oo la xidhiidha ururro mayal-adag oo looga shakisan yahay inuu ku lug leeyahay iyo macluumaad uu ka hayo kooxaha ka dagaalama dalalka bariga ee ay ka mid yihiin Suuriya, Yemen iyo Ciraaq.

Xogaha warkan xaqiijiyey waxay tibaaxeen in bileyska INTERPOL suโ€™aalo iyo baadhitaan fara badan ka qaadeen Amb. Safiina oo ka mid ah tuhunka loo haysto, isla markaana waxa la waydiiyey macluumaadka uu ka hayo kooxaha xagjirka ah ee uu ku lug leeyahay.

Xisbiga mucaaradka WADDANI ee uu ka tirsan yahay Amb. Axmed Safiina ayaa xadhigan ku eedeeyey xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE iyo xukuumadiisa, laakiin may soo bandhigin wax cadaymo ah oo warkooda rumeeya.

 

Wariye Yuusuf Maxamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.