R/wasaare Xasan Cali” waa guulaystay Qaranka Soomaaliyeed

Muqdisho (warsoor) R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo Xalay ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Dowlada Hoose ee Xamar oo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ku wareejinayay lacag laga soo Ururiyay Deegaanada Puntland ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay sameeyeen Gurmad qaran oo lagu Caawinaayay Muwadiniintii Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasooo gaartay Qaraxii 14 Octobar ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS ayaa kaga mahad celiyay dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay door-wayn ka qaateen Caawinta iyo garab istaaga dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Musiibadii qaran ee 14 Octobar ka dhacday Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho gaar ahaan isgoyska Ex Soobe.

R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre XFS ayaa tilmaamay in ay dhacdadaasi ay ahayd mid dhamaan midaysay bulshada Soomaaliyeed oo kaashanaaya Dowladdooda ayna tustay in ay hal meel kaga soo wadajeestaan Gumaadka maleeshiyada nabad iyo nolal diidka ah ee Al shabaaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Midnimada Dowlada iyo shacabkeeda waxaa ka dhashay go’aan wadajir ah oo ku aadan la dagaalanka nabad iyo nolal diidka ee Al shabaab ayna ka dhigan tahay in uu guulaystay Qaranka Soomaaliyeed maadama ay shacabka fahmeen gumaadka ay wadaan Al shabaab “ayuu yiri” Mudane Xasan Cali R/wasaaraha XFS.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.