RW Rooble oo Isku-shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku shaandheyn kooban waxaa uu ku sameeyey qaar kamid ah golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa xilkii looga qaaday Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed cabdullaahi Salaad Oomar, iyada oo loo wareejiyay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Duraan Axmed Faarax ayaa waxaa loo bedelay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada muddo dhowr bilood ah oo uu haayay xilkaas.

Isku-shaandheynta kooban oo uu Maanta sameeyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli uu dhamaaday muddo xileedka Hay’adaha dowladda, isla markaana khilaaf uu ka taagan yahaya doorashada.

Ugaas Daldoon