Real Madrid Iyo Oo Baxsaday, Bayern & Napoli Oo Lagu Dhegay, Inter Oo La Garaacay Iyo Waxyaabihii Ka Dhacay Horyaallada Waaweyn Ee Yurub Maanta & Caawa

Kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa natiijooyin kala duwan ka keenay kulamadoodii maanta illaa caawa ee horyaalladooda, iyadoo intooda badan lagu dhegay.

Real Madrid ayaa u dhowaatay Barcelona waxaanay farqiga laga horreeyo kusoo koobtay toban dhibcood, inkasta oo kooxda reer Catalonia ay Axadda ciyaarayso.

Laba gool oo waqti dambe ay u kala dhaliyeen Nacho Fernandez iyo Marco Asensio ayaa Real Madrid siiyey guul ay kasoo gaadhay Cadiz oo ay marti ugu ahayd garoonkeeda, iyadoo nasiibku uu diiday Karim Benzema oo birta garaacay, fursado badan oo kalena khasaariyey.

Ciyaartan oo uu Carlo Ancelotti nasiyey qaar ka mid ah ciyaartoydiisa muhiimka ah, sida Luka Modric, Dani Carvajal iyo Camavinga, isla markaana ay dhaawac fudud ku maqnaayeen Toni Kroos iyo Vinicius Junior, ayaa waxay Los Blancos gool-dhalinta furtay daqiiqaddii 72aad oo kubbad uu Nacho ka toogtay bannaanka uu ku hubsaday shabaqa.

Afar daqiiqadood oo kaliya kaddib ayuu Marco Asensio hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa oo uu dhaliyey gool labaad oo uu isaguna masaafo ka toogtay.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay yeelatay 62 dhibcood oo ay kaalinta labaad ku jirto, waxaanay toban dhibcood ka dambeeyaan Barcelona oo Axadda la ciyaaraysa Getafe.

Dhinaca kale, horyaalka waddanka Talyaaniga ayaa la qabtay saddexda kooxood ee ugu jira tartanka Champions League oo aanay midkoodna guuleysanin iyaga oo dhamaadka usbuucanna wada ciyaaraya.

Inter Milan ayaa waxa 1-0 ku garaacday kooxda yar ee AC Monza ee uu iska leeyahay ra’iisal wasaarihii hore ee Talyaaniga ee Silvio Berlusconi oo horena u ahaa mulkiilaha AC Milan oo uu sannado ka hor iibiyey.

Waxa kale oo barbarro galay AC Milan oo waqti hore oo maanta ahayd ay 1-1 dhibcaha ku wadaageen Bologna oo waliba goolka kala hormartay, halka Napoli oo hoggaanka horyaalka haysa ay barbarro goolal la’aan ah ku kala baxeen Verona oo kusoo booqatay Diego Maradona Stadium.

Horyaalka waddanka Faransiiska waxa guul weyn oo 3-1 ah gaadhay Paris Saint-Germain oo ka tallaabsatay toban ciyaartoy oo kooxda Lens ah.

PSG ayaa u dhaarsanayd Lens oo horraantii xilli ciyaareedka guul-darro 3-1 ah usoo xambaarisay, waxaanay hadda PSG ku aargoosatay natiijadii oo kale.