Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Magaalada Kismaayo

KISMAANYO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa waxaa la filayaa inay tagaan Magaalada Kismaayo oo ah Xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Shalay waxaa magaalada Kismaayo gaaray wafdi hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si ay ugu sii diyaariyaan qaabka soo dhaweynta.

Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hooso ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyada o amniga Magaalada siweyn loo adkeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, isaga oo sidoo kale booqan doona Saldhigyada Ciidamada Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u booqday degaannada Dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed & Punland, haatana lagu wado in uu booqdo Magalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland.