Ra’iisul wasaare Rooble oo gaaray magaaladda Jeddah ee dalka Sacuudiga

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaaray magaalada Jeddah, isaggoo ku sii jeeda magaalada barakeysan ee Makka,si uu u soo Cumreysto.

Wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaaladda Jeddah kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan boqortooyadda Sacuudiga, waxaana lagu wadaa ra’iisul wasaaraha inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.