Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo daahfuray barnaamijka aaladeynta manhajka Qaranka

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ka qeyb galay munaasabadda Mahadnaqa Qorayaasha iyo Aaladeynta Manhajka Qaranka ayaa tilmaamay in sadexdii sano iyo barkii la soo dhaafay ay dowladda dadaal xooggan gelisay qorshaha qaran ee ku qotoma waxbarasha tayo leh oo ay helaan ubadka Soomaaliyeed.

Xafladdaan oo ay soo qabaanqaabiyeeen Wasaaradda waxbarashada , ,waxaa sidoo kale ka qeybgalay qaar ka mid ah mmmulada Jaamacadaha,dugsiyada,ururada bulshada,ardayda iyo marti sharaf kale,iyadoo si gaar ah loogu mahadnaqay maamulka iyo qorayaasha Shirkadda Beder oo daabacday barnaamijka  aaladeynta manhajka qaranka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka  ayaa bahda Wax-barashada ku ammaanay dadaalka ay ku bixiyeen ka mira-dhalinta hiigsiga dowladda ee ku aaddan soo nooleynta waxbarasho ka tarjumaysa dhaqanka iyo baahiyaha aqooneed ee ummadda Soomaaliyeed.
“Maanta waxaa guul weyn ah in aan leenahay Manhajka Qaranka oo tayadiisu sarreyso ayna ka soo shaqeeyeen khubara Soomaaliyeed, dowladda waxa ka go’an hirgelinta qorshaha qaran ee ku aaddan horumarinta waxbarashada Dalka, waxaana caddeyn u ah kordhinta miisaaniyadda wax-barashada dalka  oo sanadkii 2017-kii ahayd 1.6% haatan aan gaarsiinnay 8%, iyadoo qorshaha 2021 uu yahay in aan sii kordhino miisaaniyadaas oo ay gaarto 11%”.
Mudane Mahdi ayaa dhiirrigeliyay horumarrada laga gaaray dhinaca waxbarashada ee kororka gaar ahaan tirada dusgiyada, Ardeyda iyo Macalimiinta oo isbedel weyn laga sameeyay, taas oo ay dheertahay in la dhammeystiray qorshihii lagu hirgalin lahaa dugsiyo lagu barto Cilmiyada Badda, Xannaanada Xoolaha iyo Beeraha.
Dhankiisa, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Saree ee Dalka Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay ka go’an tahay horumarinta Waxbarashada dalka.

Xafladdaasi waxaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyay qaar ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee isu taagay diyaarinta manhajka iyo aaladeynta manhajka.