Ra’iisul Wasaare khayre oo kulan laqaatay Hoggaamiyaha Ahlusunna

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre ayaa hoyga uu ka deganyahay magaalada Dhuusameeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa uu kula kulmay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud.

Kulankooda ayey kaga wada hadleen dhammeystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyo sidoo kale in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo dhismaha maamulka Galmudug.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Maxamed-deeq Cabdi Maxamed ayaa sheegay in kulanka Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Hogaamiyaha Ahlusunna uu socday muddo arrimo badana kawada hadleen.

“Waxyaabaha ay kawada hadleen waxaa ugu badnaa arrimaha Galmudug iyo dhismaha maamulka, waxey isku soo qaadeen sidii loo dardargalin lahaa howlaha socda oo muhiim ah” ayuu yiri Wariye Maxamed-deeq oo Dhuusamareeb ku sugan.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyey waxaana halkaas howgalo isdabajoog ah kawada Ciidanka qalabka sida.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.