Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya oo ka tanaasulay saamiyadii uu ku lahaa Shirkadda SOME OIL AND GAS

Muqdisho – (warsoor) – War qoraal ah uu soo saraay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Md. Xasan Cali Khayer oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Warbaahinta Qaranka ayuu ku sheegey Ra’iisul-wasaaraha in uu ka tanaasulay saamiyadii uu ku lahaa Shirkadda SOMA OIL AND GAS ee dalka Ingiriiska laga leeyahay.

Ra’iisul-wasaraaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeedkiisa ku faah-faahiyay ujeedada ka dambeysay go’aanka uu kaga tanaasulay Saamiyadiisa uu shirkadaasi ku lahaa taasi oo uu ku sheegey in ay tahay in uu doonayo in uu fursad uu siiyo Howlaha Qaranka ee horyaalla iyo gudashada waajibka Dastuuriga ah ee saaran.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo wuxuu ii magacaabay Ra’iisul wasaraaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana ka aqabalay magaabistayda,

Marka si aan u guto mas’uuliyadda isaaran islamarkaana uga fogaado waxkasta oo  isku dhac ah oo ka imaan kara mas’uuliyaddii aan ka hayay Shirkadaasi iyo Saamiyadii aan ku lahaa  si dhaqsi leh ayaan uga tanaasulayaa”, ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo  intaasi ku daray in uu ugu talagalay in wax share ah ama Saami ah ku yeelana islamarkana uusan Dano shaqsiyadeed ka lahayd shirkadda Somalia iyo dhammaan shirkadaha kale ee xiriirka la leh.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo hadalkiisa sii wata ayaa Yiri “Waxaa. hubaa in aad u fahamteen in dadaalkayga iyo danaheyga oo idil aan ku bixindoona hadda kadib horumarainta  dalkeyga iyo dhismaha dowladda wanaagsan oo ka hana qaada  Geyiga Soomaaliya.

Hadalka Ra’iisul wasaraha Soomaaliya ayaa imaanaya maalin kaddib markii Madaxweyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo uu u magacaabay xilka Ra’iisul wasaraha jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo Saamiga Ra’iisul-wasaaraha uu ka naasulay lagu sheegay ilaa laba malyan oo Saami.

Xigasho: SONNA

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.