Ra’iisal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Xasan Khayre oo Ka Hadlay Xilka Xayuubintii Lagu Sameeyey

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Md. Xasan Cali Khayre ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xilka ka xayuubinta lagu sameeyey, taasi oo uu ku tilmaamay inay ahayd sharci daro.

Muddo Khayre ayaa ka hadlay guulihii uu gaadhay muddadii uu xilka hayey, waxaanu sheegay in maanta uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inay xilkii Ra’iisal Wasaare iska casilay.

Md. Xasan Cali Khayre oo cabirayaa shucuurtiisa ayaa yidhi, “Aniga oo og in waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, In xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed, mid dhaqaale, amni iyo bulsho”.

Halkan ka daawo khudbadii uu kaga hadlay xilka xayuubintiisa: