Ra’iisal wasaare ku xigeenkii Britian oo iscasilay ka dib baaritaan lagu sameeyey

UK – (WARSOOR) – Ra’iisal wasaare ku xigeenka Britian Dominic Raab ayaa iska casilay xilkii uu hayey, kadib markii baadhitaan lagu sameeyey, la xidhiidha habka uu ula dhaqmay dadka la shaqeeya.

Warqadda iscasilaadda oo la soo dhigay barta Twitter Jimcihii ayaa ra’iisal wasaare ku xigeenka iscasilay ayuu ku caddeeyey iscasilaaddiisu inay daba socoto baadhitaanka la xidhiidha cago-juglaynta, isaga oo sheegay inuu aaminsan yahay muhiimadda ay leedahay inuu erayadiisa ilaaliyo.