Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Somaliya oo Si Qoto-Dheer u Sharaxay Muhiimadda uu Isbeddelka Gobalku u Lee Yahay Somaliya

Jabuuti – (warsoor).- Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Faderaalka ee Somaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar), ayaa si faah-faahsan uga hadlay muhiimadda uu Somaliya u lee yahay Isbeddelkii dhawaan ka curtay guud ahaan Geeska Afrika ee ay hormuudka u tahay dawladda Itoobiya, waxaana uu sheegay in isbeddelkaasi uu Somaliya u soo kordhinaayo danno dhaqaaale oo aad u ballaadhan isaga oo carabka ku dhuftay in midowga Gobalka ee la sheegayaa aanu ahayn mid siyaasaddeed balse uu yahay mid ku dhisan iskaashi iyo wada-shaqeyn khuseysa siddii loogga faa’ideysan lahaa dhinacyada dhaqaalahaย  iyo Amni ee dalalka Gobalka.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyey shir laga ga hadlaayey Mowjadaha Isbeddel ee Geeska Afrika oo uu soo qaban-qaabiyey Mac-hadka daraasadka ee Heritage isla mar ahaantaana lagu qabtay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, waxaana ugu horreyn uu soo bandhigay qorshaha ugu muhiimsan ee Xukuumadda Faderaalka Somaliya ay ka lee dahay Isbeddelka Gobalka isaga oo sheegay in Soomaalidu ay u baahan tahay siddii loo heli lahaa Nabad iyo Nolol.
“Waxa aynu maanta iskugu nimi macduuca ah Somaliya iyo isbeddelka Gobalka. Markaa maxaa Somaliya kala gudboon isbeddelka Gobalka?. Taladii iyo xalkii meel walba ka raadinay siddii uu Hadraawi lahaa markay dani meedey tidhi.!. Se Hadraawi ba hortii Qur’aanka waad aragteen oo Nebi Ibraahim wuxu deydayey Ilaahay xagguu jiraa oo xal buu raadinaayey caqiidaddeed, dabadeedna su’aalo ayuu is-weydiiyey, markaa hawraartaas ama Gabeygaas wuxu Hadraawi lee yahay markey dani meeday tidhi, maxaan talo meel ka dayey, markay dani maaha tidhi maxaan ka sii dayey meel la dayey, markay dani maaha tidhi, ka deydayey meel nin dayey. Markaa arrintii iyo xalkii Soomaalida meel kasta waa aanu ka dey-daynay, waana in aynu isweydiinaa Soomaaliya maxaa la gudboon, Soomaaliya xaggey ka socotaa?, Somaliya xaggey ku socotaa?, iyo weli ba Somaliya maxay rabtaa. Somaliya waxa ay u baahan tahay Nabad iyo Nolol.”.Ayuu yidhi Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
Mudane Mahdi Guuleed oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu si qoto dheer uu u sharaxay sababta ay Somaliya ugu baahan tahay Nabad iyo Nolol iyo ka faa’ideysiga isbeddelka Geeska isaga oo si mug weyn u sharaxay maraaxilkii kala duwanaa ee dalka loo soo maray, waxaana uu yidhi: “Laakiin anigu waxa aan ku tusinayaa in Somaliya ay u baahan tahay Nabad iyo Nolol, waan ku tusayaa, waanan ku taabsiinayaa. Somaliya waxa ay u baahan tahay in ay Nabad ku noolaato, Somaliya waxa ay u baahan tahay in ay nabad ku wada noolaato, Somaliya waxa ay u baahan tahay in ay Nabad kula noolaato jaarkeeda, Somaliya waxa ay u baahan tahay in ay iyadu Nabad isku la noolaato. Horaa Wiil-waal loogga sheegayey rag wax walba ku sameeyey oo walaal wax uu ku dhaamo waan waayey. Soomaali waa ay dagaalantay, way is dishay oo jabhado ayey isku soo adeegsatay oo qabiil kasta oo Soomaaliyeed ba xarafka ‘S’ buu soo adeegsadey, Soomaali maxay, Soomaali Partiotic, Soomaali National Movement oo qaar la baxeen, qolo walba Itoobiya ayey hub ka soo qaadatay, dawladdii dhexe ayaana aynu jebinay, dabadeed na halka ay ina dhigtay waa aynu og nahay. Waan bay-hoofnay, debadda ayeynu u kala qaxnay, waa aynu og nahay halka aynu kala joogno, maanta na Somaliyadii burburtay baynu yab-yabkeedii aynu ku jirnaa, Soomaaliyada aynu haysanno ee ay tahay in ay isbeddelka Gobalka sidey uga faa’idaa iyo maxay ka faa’ideysaa ba waa Soomaaliyada maanta jirta ee idinku ba u wada markhaatiga tihiin.”.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somaliya Mudane Mahdi-Khadar, waxa mar kale uu si ballaadhan u taabtay muhiimadda uu isbeddelka Gobalka ka dhacay u lee yahay dalka Somaliya isaga oo carabka ku dhuftay in aanay maanta jirin jabhado la iskaga soo hubeynaayo dalalka Geeska Afrika isla mar ahaantaana ay taasi horseedeyso siddii loo gaadhi lahaa Nabad iyo Nolol waarta oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.
“Waxa aanu aaminsannahay idinku na aad ka marag kacdeen in Somaliya ay ku taal bugcad Istaraatijiyaddeed, waxa kale oo aad ka marag kacdeen in Somaliya ay tahay kadinki laga gelaayey Afrika, waxa kale oo aynu ognahay in Somaliya iyo Geesku ba ay ku yaalaan marin ka mid ah shanta marin biyood ee caalamka ugu muhiimsan, Kannaalka Suweys, Hormuus, Malakka iyo Baabal Mandab oo geeska Afrika iyo badda cas ba ay ku yaaliin, markaa Soomaaliya waa meel muhiim ah, maadaam ay meel muhiim ah tahay, sidee baynu uga faa’ideysannaa isbeddelka Gobalka. Sidee baynu uga heli karnaa wax inaga Soomaali ahaan ina anfaca. Inaga dan innooguma jirta kaadhadhka ay Itoobiya haysato iyo waxa ay yihiin se waa in aynu ku mashquulnaa waar Soomaaliya sidey u wada noolaan kartaa nabad na u wada heli kartaa iyadu na u kala nabad-geli kartaa sida oo kale na Itoobiya oo Itoobiyaddii hore ahna aynu sharkeeda iskaga moosi karnaa, hadda ra’iisal wasaare cusub baa yimi Itoobiya, aragti cusub ayaana uu la yimi, markaa is-dhex-galka gobalka ee xagga dhaqaalaha ayey tahay in aynu maanta ka hadalno, taana wax badan ayeynu ka faa’ideynaa, waxa aynu ka faa’ideynaa Nabad, waxa aynu faa’ideynaa Nolol kol haddaan jabhado la isku soo hubeynahayn oo xasilooni siyaasaddeed oo taa Kiiniya iyo Somaliya mid la mid ah aynu helayno, waxa aynu mar labaad ka faa’ideynaa in Somaliya iyo Itoobiya ay Nabad ku wada noolaadaan. “. Ayuu yidhi yidhi Mahdi-Khadar
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxa si toos ah uu carabka ugu dhuftay in loo baahan yahay siddii loogga faa’ideysan lahaa isbeddelka ka curtay Geeska isaga oo xusay in midwoga iyo iskaashiga la sheegayaa aanu ahayn mid siyaasaddeed balse uu yahay mid keliya ku dhisan danno dhaqaale iyo wada-shaqeynta dawladaha Geeska, waxaana uu yidhi:- “Waxa aan ku kalsoonahay aadna aan ugu han-weynahay in shirkani uu falan-qeyn doono wax badan oo arrimahaas ku saabsan, waana aad og tihiin oo Soomaalidu waxa ay ganacsi fir-fircoon ay ku lee yihiin Kenya sida oo kale ay ku lee yihiin Itoobiya, ku lee yihiin Jabuuti oo weli ba Soomaalida Somaliya ayaan ka hadlayaa, Soodaan bay ku lee yihiin, Uganda iyo weli ba dunida kale ee aad daafaheeda aragteen oo aad bay ganacsiga, is-dhex-galka iyo in ay aragti ku soo kordhiyaan dadka ay la nool yihiin ba ay horseedaan. Hadda ba maxay iyagu iskugu soo kordhin waayeen?, maxay iyagu horumarkaas u sameysan waayeen?, waxaan is lee yahay maanta waxa aynu cagta saarnay wadadii saxda ahayd oo illaa 2000 kii (Labadii Kun) wax badan way soo qabsoomeen, maanta na waxa aynu u baahan nahay in aynu isla shaqeyno, jaarkeena na aynu la shaqeynno waxa badana kala faa’ideysanno. Iskaashiga, wada-shaqeynta iyo midowga laga hadlayaa maaha mid siyaasaddeed laakiin waa mid dhaqaale. Walaaleyaaloow colaadi waxba inama tartee aynu ka faa’ideysanno dhaqaalaha, is-dhex-galka iyo in inagu aynu isku tashanno oo dalkeena ku tashanno.”.
Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somaliya, waxa uu ugu dambeyntii uu khudbaddiisa kaga hadlay in Somaliya ay u baahan tahay Nabad iyo Nolol isaga oo soo qaatay sadaro Gabay ah oo muujinaaya dariiqa ay ka xukuumad ahaan u marayaan Nabadda balse waxa uu hoosta ka xariiqay in marnaba aanay u dulqaadan doonin cid kasta oo ka soo horjeesata Nabadda iyo wada-noolaashiyaha umadda.
“Waxa aynu nidhi Nabad baynu u baahan nahay, haddaanay Nabadi jirin nolol ma jirto, Somaliya waxa ay u baahan tahay Nabad iyo Nolol. Abwaan Soomaaliyeed oo boqol sanno ka hor noolaa ayaa Nabadda meel kasta ka raadiyey, wax kasta oo uu Nabad ku heli karana waa uu baadi goobay, markaa wuxu yidhi Rag sabaan ka sabaan baan samaanta uun badiyaa, hadduu saakimi waayana sariir baan u dhigaayoo iska seexo ayaan idhaa, haddii uu saakimi waayana caanihii hasha Suuban baan saddex goor u lisaa oo ku sariigo idhaa, hadduu saakimi waayana sumulkii rugta joogay iyo sogobkaan u qalaa, hadduu saakimi waayo gabadh suurad wanaagsan baan surada ugu dhisaa, hadduu saakimi waayo seedoow iyo moodiyo salaantaan badiyaa, hadduu saakimi waayo na xoolo gooni u foofiyo sadadaan ku ladhaa, hadduu saakimi waayo salaadaan la labaayoo seedo madow iyo salligaan cuskadaa, sulub Eebe ku joogtaan sarartaa ku dhuftaayoo, sambabkaan ka baxshaayoo markaasuu salamaa. Markaa waxaynu dooneynaa in aynu nabadda meel kasta ka raadinno, marka se la inagu kelifo in aynu is difaacno aynu is difaacno Soomaaliyeey. Somaliya Nabad iyo Nolol bay rabtaa.”. Ayuu yidhi Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.