Ra’iisal Wasaare Khayre oo dhakhaatiirta Soomaaliyeed kala hadlay ka hortaga Coronovirus

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta qorshayaasha socda ee looga hortagayo cudurka Coronavirus oo kiis ka mid ah laga helay Muqdisho.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin guud iyo talooyinkooda ku aadan xakameynta faafitaanka cudurkaan ka dhageystay dhaqaatiirta, kadibna wuxuu uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan bad-qabka guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa kulanka goob joog aheyd wasiirka caafimaadka, Dr Fowsiyo Abiikar Nuur oo faah faah ka bixisay guulaha laga gaaray qorshayaasha xakameynta cudurka,  wixii ka dambeeyey markii ay dowladdu billaawday diyaar garowga looga hortagayo.Valueimpression Placeholder

Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagu soo qaaday xoojinta wadashaqeynta wasaaradda caafimaadka, wasaaradaha kale ee wada shaqeyntu kala dhexeyso, howl-wadeennada xafiiska ra’iisul wasaaraha ee qeybta ka ah howlaha xakameynta iyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, si loogu guuleysto bad-qab iyo daryeel bulsho oo dhammeystiran.

Ugu dambeyn waxaa la soo jeediyay in la adkeeyo dhaqan gelinta tallaabooyinka xakameynta ee ay ka mid ka yihiin yareynta isu imaatinta dadweynaha iyo sare u qaadidda nadaafadda, maadaama ka hortagga uu ka wanaagan yahay daaweynta.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshayaal ballaaran oo laga gaashaamanayo faafintaanka cudurkan oo fara ba’an ku haya dalal badan oo caalamka ku yaalla.

Xigasho: Caasimadda