Ra’iisal Wasaaraha Ku Xigeenka Federaalka Soomaaliya oo Booqday Jabuuti

Jabuuti – (warsoor) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Md. Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa booqaday jabuuti, ujeedda booqashadan oo lagu sheegay inuu ka qayb gali doon shir ka dhici doona Jabuuti.

Wafdiga hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo ay ku weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre iyo xubno kale oo xukuumadda federaalka Soomaaliya ka tirsan.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya  iyo weftigiisa ayaa ka qayb gali doona Shirweynaha Waxbarashada Afrika oo ka furmaya magaaladda Jabuuti.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb geli Doona Madax badan oo ka socoto wadamada Afrika waxaana wafdiga Ray”sul wasaare kuxigeenka iyo xubnaha la socodo ay bilabeen kulamo ay la yeelanayaan madax ka tirsan Dowladda.

Shir weynaha Waxbarshada Afrika ee ka furmaya Jabuuti ayaa inta uu socdo waxa lagu soo bandhigi donaa Heerka waxbarasho ee Dalalka Afrika sidii lagu Hormarin lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.