Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo Soo Bandhigay Qorshihiisa

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ka hor hadlayey golaha shacabka oo meel-mariyey golihiisa wasiirada cusub ayaa shaaciyey barnaamijka xukuumaddiisa oo heysata wax ka yar afar bilood.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey xildhibaanada baarlamaanka, meel-marinta golihiisa wasiirada ee uu ku dhowaaqay todobaadkii la soo dhaafay.

Rooble ayaa sheegay inuu marka hore xooga saari doono dardar-gelinta howlaha doorashooyinka 2020/2021 iyo sidoo kale sugida ammaanka guud ee dalka.

Doorashooyinka ayuu tilmaamay inay saldhig u noqon doonaan qodobadii ka soo baxay shirarkii Dhuusamabeeb & heshiiskii Muqdisho ay sii amba-qaadi doonto xukuumadiisa.