QM oo warbixin kasoo saartay dhibaatooyinka ka dhashay dagaalka Sudan

KHARTOUM – (WARSOOR) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 11 bilood oo ay dalka Sudan ka socdeen colaado ay sababeen dil wadareed, barakac, burbur hanti iyo xadgudubyo xad dhaaf ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Xadgudubyadaas ayey warbixintu sheegtay inay dhibaato aan la qiyaasi karin u geysteen malaayiin dad ah, kuwaas oo dhibaatooyinkooda ay ilaabeen inta kale adduunka.