QM oo ku dartay milateriga Israa’iil, liiska dembiilayaasha ku xadgudba caruurta

NEW YORK – (WARSOOR) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ciidamada Israa’iil ku daray, diiwaanka caalamiga ah ee dembiilayaasha ku kaca xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda caruurta ee sannadkii 2023, sida laga soo xigtay danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay Gilad Erdan, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay inay tahay mid laga xishoodo.

Ilo diblomaasiyadeed oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan liiskaas lagu dari doono kooxda Xamaas iyo Islamic Jihad.

Gilad Erdan ayaa sheegay in arrintan si rasmi ah loogu wargeliyey Jimcihii. Diiwaankan caalamiga ah ayaa qayb ka ah warbixin ka hadlaysa caruurta iyo colaadaha hubaysan, taasoo la filayo in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu u gudbiyo golaha ammaanka bishan June 14-keeda.

Warbixintan ayaa lagu eegaa, illaa lix nooc oo xadgudubyo ah oo ay ku jiraan, dilka, naafaynta, xadgudubyada jinsiga ah, afduubka, ku shaqaysiga iyo in la isticmaalo caruurta, iyo in la hor-istaago gargaarka bini-aadanimo lana bartilmaameedsado dugsiyada iyo cusbitaalada.

Illaa hadda faahfaahin badan lagama hayo noocyada xadgudubyada ee lagu eedeeyey Israa’iil, Xamaas iyo Islamic Jihad.