Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

MOGADISHU – (WARSOOR) – Taliska Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay qarax gelinkii hore ee maanta oo Sabti ah ka dhacay magaalada Muqdishu.

Qaraxan oo geystay qasaare ayaa ka dhashay gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana uu qaraxu ka dhacay isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan bar koontarool oo laga ilaaliyo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka ayaa rasaas ku furay gaadhiga ka hor inta uusan qarxin, sida ay xaqiijiyeen laamaha amaanka ee magaaladda Muqdisho.