Qalab casri ah oo lagu baadho COVID-19 oo Muqdisho la keenay

Muqdisho – (WARSOOR) – Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay in la howlgeliyey sheybaadhka dhexe ee Qaranka oo lagu baadhayo dadka looga shakiyo iney qaadeen cudurka Coronovirus.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka XFS Marwo Fowsiya Abiikar Nuur oo la hadashay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee (SONNA) ayaa shaacisey in hadda wixiii ka dambeeya dadka  lagu tuhmo  in ay qabaa Cudurka coronavirus lagu baadhi doono Magaalada Muqdisho oo aan loo diri doonin dalka dibediisa.

XIGASHO: SONNA