Qaar Ka Mida Haweenka Xilalka Ka Haya Hay’’daha Dawlada Oo Loo Soo Xidhay Tabobar

HARGEYSA – (WARSOOR) – Machadka Hay’adda shaqaalaha ayaa tababarkaas ay ku qaadanayeen 21 haween ah oo xilal ka haya hayadaha iyo wasaaradaha dawlada ee kala duwan.

Tababarkan oo lagu baranayey hoggaaminta haweenka iyo dhiirigalintooda waxa ugu horeyn ka hadlay Agaasime ku xigeenka Machadka shaqaalaha dawlada Mustafe Axmed,waxaanu sheegay in tababarkani ahaa kobcinta shaqaalaha dawlada. Waxaanu tilmaamay in machadkuna u furan yahay sidii loo tayeynalaaha shaqaalaha dawlada loona dhisi lahaa xirfada iyo hoggaaminta agaasime waaxeedyada haweenka ah.

Agaasimaha fulinta machadka shaqaalaha dawlada Cumar Iid Qaloonbi ayaa sheegay in tababarkani ku dhammaaday sidii loogu talo galay, waxaanu in dumarku kaalmihii hoggaaminta qaranka aanay ka maqnayn oo wakhtigan wasaaradaha dawlada Agaasimayaal ka yihiin haween.

Waxanu intaasi ku daray in hoggaaminta iyo kartida haweenku ka muuqdo sida wanaagsan ee uu tababarkani ku dhammaaday.

Gabagabadiina waxa halkaasi ka hadashay Agaasimaha guud ee xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf Waxaanay kula dardaaratay haweenka inay dedaalkooda halkaa ka sii wadaan, waxaanay tilmaamtay inay mihiim tahay dumarku xirfad ahan is dhisaan bartaana dastuurka iyo shuruucda dalka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub oo wasaaradda Caafimaadku ka hirgalisay magaalada Fadhigaab.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Waayeelka iyo wax garadka magaalada Fadhigaab waxaanay u mahadceliyeen wasaaradda caafimaadka iyo hayada Camuud dedaalka ay sameeyeen ee ay ka hirgaliyeen xarunta caafimaad goobtan oo baahi wayn u qabtay.

Sidoo kale, isu duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sanaag ayaa uga mahadceliyey wasaaradda caafimaadka iyo hayada Camuud.

Gabagabadiina waxa halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Md Mahdi Cismaan Buuri ayaa sheegay in xaruntani mihiim u tahay bulshada Fadhigaab, waxaanu tilmaamay in wasaaradda caafimaadku la wareegtay bulshadana looga baahan yahay ilaalinta iyo daryeelka xaruntan caafimaad.