Qaar ka mid ah shirkadaha Mareykanka oo ka cabanaya Shiinaha

WASHINGTON – (WARSOOR) – Shirkadaha Maraykanka ee soo saara qalabka iyo biraha Spare Parts-ka baabuurta ayaa ugu baaqay dawladda Maraykanku inay joojiyaan qalabka baabuurta ee laga keenayo dalka China ee la soo mariyo dalka Mexico kadibna loo iib keeno dalka.

Xiisadda arrintan ka dhalatay ayaa kor u sii kacday toddobaadkii la soo dhaafay.

Iskaashatada ayaa ku baaqay in qalabka China ka imanaya oo qiimo jaban suuqyada Maraykanka ku soo galaa uu keenayo in shirkadahooda xirmaan ama wax soo saarkooda la iibsan waayo.