puntland oo shaqo joojin ku sameysay Universal Tv

puntland –  (warsoor)-dowlad gobeleedka  Puntland ayaa Albaabada isugu dhuftay xafiisyadii uu deegaanada dhaca waqooyi Bari Soomaaliya uu ku lahaa Telefeshinka UNIVERSAL TV.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada magaalada Garowe ayaa lagu sheegay in Telefeshinka UNIVERSAL uu ku lug lahaaday kicin dadweyne iyo abuurista xaalado nabad gelyo xumo waa  sida warka loo dhigay.

Warka kasoo baxay maamulka Garoowe ayaa lagu sheegay in la joojiyay dhammaan shaqadii uu Telefeshinku ka hayay degmooyinka iyo deegaanada uu kajiro maamulka Cabdi Wali Gaas.

Xidhitaankan ayaa imaanaya kadib warbixino maqal iyo muuqaal ah oo uu UNIVERSAL TV ka diyaariyay waxqabadka maamulka Gaas xilli ay isisoo tarayaan diidmada maamulkaasi kala kulmayo qeybaha kala duwan ee bulshada  .

halkan ka daalaco warsaxaafadeed uu soo saray muumulka puntland

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.