Puntland oo Maxaabiis u xiran u soo wareejineysa Magaalada Muqdisho

GAROOWE – (WARSOOR) -Wasiirka Caddaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamid ayaa dowladda Seychelles kala hadlay rag ku xukman burcad-badeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Qoraal uu soo saaray Wasiir Cawil Sheekh ayaa waxaa uu ku sheegay in Seychelles ay ka ogolaatay in Maxaabiista ku xukuman burcad-badeednimada ee ku xiran xabsiga Garoowe loo wareejiyo Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa waxaa uu tilmaamay in Madaxweyne Deni uu amar ku siiyay in Seychelles uu kala hadlo sidii maxaabiista oo tiro ahaan gaareysa 15 maxbuus loogu wareejin lahaa Muqdisho.

“Madaxweyne Deni ayaa amar igu siiyey inaan la xiriiro dawladda Seychelles, gaar ahaan Wasaaradda Caddaaladda aana kala hadlo sidii maxaabiista burcad-badeednimo ku xukman Xamar loogu wareejin lahaa.

Waxaa war wanaagsan ah in dawladda Seychelles soo ogolaatay in maxaabiistaas oo tiradoodu dhantahay 15 maxbuus loo wareejiyo Xamar” ayuu yiri Wasiir Xaamid.

Maxaabistan ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe, kuna xukuman burcad-badeednimo ayaa kasoo jeeda degaannada Galmudug, waxaana Puntland ay ku wareejin doontaa mas’uuliyiin ka tiran Galmudug oo ku sugan Magaalada Garoowe