Puntland Oo Ku dhawaaqday Inay Soo Ceshanayso Dhul ay sheegtay inuu ka Maqan yahay

Puntland – (warsoor) – Shir ay soo qaban-qaabisay dawladda maamul gobaleedka Puntland oo lagaga tashanaayey mustaqbalka siyaasadda ee Puntland.

Shirkan oo la soo gabogabeeyey shalay ayaa laga soo saaray go’aano dhawr ah. Go’aanadaasi ayaa waxaa ka mid ahaa in dawladda Puntland ay qabanqaabin doonto shir heer qaran ah oo gogol loogu fidin doono hogaamiye dhaqameedka Puntland kaasi oo laga arinsan doono sidii ay Puntland u soo ceshan lahayd dhulka ay sheegtay inuu ka maqan yahay.

Dhulkaasi oo ah deegaanadda Gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn. Puntland ayaa dhulka u sheegata hayb ahaan, waxaanay inta badan ka faaiideysataa khilaafaadka soo kala dhex gala dadka deegaanka wadda daga iyo maamulka Somaliland.