Puntland oo Dowladda Soomaaliya ku eedeysay khalqal gelinta Amniga degaanadeeda

GAROOWE – (WARSOOR) – Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & wasiirka qorsheynta xukuumadda xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan inay dibadbaxyo ka abaabulayan degaano ka tirsan Gobolka sanaag.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay fowdo iyo kicin dadweyne ka wado meelo kamid ah obolka Sanaag, hayeeshee Puntland ay ka hortagtay.

“Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo jamaal Hassan waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen ayuu ku yiri” Jaamac Dabaari.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland ayaa qoraal uu soo dhigay artiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in dowladda federaalka ay degaannada Puntland ka wado Abaabul lagu khalkhal gelinayo xasiloonida iyo nabadgelyada.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag ka dhacay banaanbax ay dhigayeen dadka ku ool Magaaladaas, hayeeshee waxaa rasaas ku kala eryay Ciidamo ka tirsan Puntland