Puntland oo Amara culus ka soo saaratay Qaraxii Ismiidanta ahaa ee Xalay ka dhacay

Garoowe – (warsoor) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga Amniga Puntland iyo Guddiga maamulkaasi u qaabilsan ka hortaga Cudurka Coronavirus.

Kulankan oo intiisa badan looga hadlay sidii Puntland, maamul iyo Shacaba loo xoojin lahaa ka hortaga cudurka Caronavirus, sidoo kale loo adkeyn lahaa amaanka deegaanada maamulka Puntland.

War saxaafadeed kasoo baxay shirkan ayaa lagu cadeeyay in heegan buuxa la galiyay ciidamada maamulka Puntland, waxaa sidoo kale lasoo saaray goโ€™aano adag oo looga hortagayo in deegaanada Puntland soo gaaro kuna faafo Caronavirus.