Nin Hawlgalkii soo Qabashadiisa 29 Qof u Dhinteen

MARAYKANKA – (WARSOOR) – Hawlgal lagu soo qabanayay nin ka ganacsada daroogooyinka ayay ku dhinteen 29 qof, dalka Mexico. Ninka lasoo qabanayay oo ahaa 32 jir, ayaa waxa dhalay ninka ugu caansan ka ganacsiga daroogooyinka dunida ee El Chapo. Wiilkan uu dhalay El Chapo ayaa lagu magacaabaa Ovidio. Dadka ku dhintay hawlgalkan ayaa isugu jira 10 askar ah iyo 19 shacab ah. Sidoo kale waxa ku dhaawacmay 35 ka mid ah ciidanka, halka dad badan loo xidhay hawgalkan.

El Chapo iyo inankan uu dhalay ayaa dunida caan kaga ah ganacsiga daroogada laga dhoofiyo Mexico Lana galiyo dalka Maraykanka. El Chapo hadda wuxuu xabsi daa’in ugh xidhanyahay mid ka mid ah xabsiyada Maraykanka, halka wiilkiisina imika la xidhay.

xigasho: Xasan Galaydh