NIGER — (WARSOOR) – Milatariga xukuma dalka Niger ayaa laalay heshiis milatari oo u oggolaanayay hawlwadeenada Milatariga iyo shaqaalaha rayidka ah ee ka socda wasaarada gaashaandhiga Maraykanku joogitaanka dalkaasi, waa sida uu sheegay Colonel Amadou Abdramane oo ah afhayeen u hadlay milatariga dalkaasi.