Muxuu Mareykanku ka yiri xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya?

WASHINGTON – (WARSOOR) – Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Matthew Miller ayaa sheegay in dawladda Maraykanku ay ka walaacsan tahay xiisadda ka jirta gobolka Geeska Afrika.

Miller oo ka jawaabayey su’aal la weydiiyey oo ku saabsan is-afgaradka ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland iyo xiisadda ka dhalatay ayaa sheegay inay ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada inay si diblomaasi ah ku xalliyaan.

“Waan aragnay wararkaas, waan ka walacsanahay, waxaan ku biiraynaa bahwadaagta kale [ee beesha caalamka] inaan ka muujino walaaca weyn ee aan ka qabno iyo xiisadda ka dhalatay ee Geeska Afrika. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan saamilayda inay galaan wadaxaajood diblomaasiyadeed, dawladda Maraykankuna waxay aqoonsan tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheedii 1960-kii,” ayuu yiri Matthew Miller.

Itoobiya ayaa 1-dii Janaayo Somaliland la gashay is-afgaradka ay Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi, sida uu sheegay madaxwyenaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Cabdi.

Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.

waxaa is-afgaradka difaacay Wasiirka Arirmaha Dibedda ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi uu siiyey VOA ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay kasoo horjeedo horumarka Somaliland.