Muxuu Kaga Duwanyahay?

Arintani uma baahna in lagu eego indho caadifadeed, sidoo kale uma baahna in lagu eego indho Mucaaradnimo indho-laโ€™aan ah.
waa arin u baahan in lagu eego indho Qaranimo oo caafimaad qaba.

Ma aha markii ugu horeysay ee kuwa Xamar u shaqo tagay iyo mid caado-qaate ah oo dalkiisa caasiyay waalidkii ku geeriyooday dalkiisii amaba uu ku xanuusado dalkii uu duunyada dhaafsaday.

Maxamed Cabdilaahi Oomaar oo noqday wasiirka arimaha debedda Somalia ayaa Hargaisa dusheeda laga celiyay si uu uga qayb-galo aaska waalidkii xiligii xukuumaddii Madaxweyne Riyaale.

sidoo kale Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cabdi Ismaaciil samatar oo aan weligood xil ka qaban Somalia ayaa hooyadood oo ku dhimatay gebilay loo diiday in ay Jinaasadeeda yimaadaan.

Sanad ka hor Gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Somalia Cabdiraxmaan maxamed ayaa Isla Dowladddan Madaxweyne Muuse uga dhaaratay in uu Magaalada Burco Aaska Hooyadii kaga qayb galo isna Garoowe ayaa laga celiyay.

Hadaba waxaa is weydiin leh Maxamed Cuma Carte muxuu kaga fadilanyahay oo kaga duwanyahay ragaas oo dhan?

Waa Xildhibaan Xaasaanad leh, waxa uu ka soo noqday Raysal wasaare ku xigeen, waa in uu maraa ciqaabtii ay mareen raggaas ka horeeyay, hadii kale waa gef iyo godob laga galay ragii aasaskii waalidkood uga qaday qaranimadii ay cuudka dhaafsadeen, sidoo kale waa qaran dumin iyo qalbi jebin lagu samaynayo shacabka xalaasha ah ee reer Somaliland.

Kuwo ayaa ku doodaya Cafis buu soo dirsaday, Cafiska ma Mobile kuu idinkala soo hadlay xataa haduu cafis soo dirsaday ma aha in uu idinka idin waydiisto waa in qaranka iyo shacabka uu weydiistaa Warbaahinta soo hor istaagaa is casilaa kedib isagoon xil hayn soo dirsadaa cafis bulshadu raali ka tahay, madaxweynuhuna si public ah u cafiyaa, sidoo kale iska cafis ma aha waa in la qiimeeyaa iminka duruuf baa keentay, ilaahayba ma aqbalo islaanimada duruuftu keentaye ninkan ma cafis danni wadaa mise waa mid uu gartay in uu qarankii dadkiisu u qudhbexeen uu si iskii ah u gartay in uu ku gefay oo gefkii uu ka soo noqdaa.

Arintaas Dowladdu waa in aanay ku deg degin uma baahna geb geb, ismaroorin iyo madax adayg waxayse u baahantahay iyadoo shacabku raali ka yahay in la maro dariiqa sharciga.

Fadlan Madaxweyne Sidaad Doonto ha ugu Galgalan Masuuliyadda umadda aad u hayso

Ali mahdi jibriil