Muwaadiniin Somaliland u dhashay oo ku xannibnaa Turkiga oo dalka dib loogu oo celiyey

Hargeysa – (WARSOOR) – In ka badan boqol qof oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland oo ku xanibnaa dalka Turkiga ayaa guddi isxilqaantay oo reer Somaliland ahi dib ugu soo celiyeen dalka, iyaga oo adeegsanaya shirkadda waddaniga ah ee Daallo, kuwaas oo uu xannibay xannuunka Coronavirus.

Muwaadiniyiintaas dalka dib loogu soo celiyey ayaa u mahad celiyey guddidii u dhashay Somaliland ee isu xilsaaray arrintaas, dadkaas oo ka soo kicitimay madaarka magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa ka soo degay gagida diyaaradaha Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Waxayna dadkaasi sheegeen in ay muddo saddex bilood ah ay ku xanibnaayeen dalka Turkiga, taas oo uu sababay xannuunka Covid-19, iyaga oo intaas ku daray in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay dalka Turkiga ka soo raacaan diyaarad laga leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna ammaan iyo bogaadin u soo jeediyeen guddidii hawlashaas fulisay oo ay ka mid ahaayeen Dr. Cabdiraxmaan Awkoombe iyo Cabdiraxmaan Bacaade.