Musharixiinta Xisbiga Waddani oo Tababar Loo Soo Xidhay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Musharixiint Golayayaasha Qaranka ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa loo soo xidhay tababr ku saabsan qaabka ololaha loo galaayo iyo shuruucda dalka.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ka hadlaya nooca tababarka la siiyey musharixiinta ayaa yidhi, “Waxa aanu ku qalabeynnay Murashixiinta Xisbiga hubkii ay ku dagaalami lahaayeen Marka ay tagaan Golaha Wakiilada oo isugu jira Dastuurka JSL, Xeerka Xisbiga WADDANI, Xeer Hoosaadka Golaha Wakiilada iyo Xogo kale oo muhiim u ah Xildhibaanka Golaha Wakiilada u matali doona Xisbiga WADDANI.”