Murashax Cirro oo Soo Booqday Xarunta Masnacaha Biyaha Samsamka ee Makka oo uu Ku Soo Marti Qaadey Imaamka Masjidka Al-Xarameynku

Makka – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo maalmahii u dambeeyey dalka Sucuudiga ku joogay socdaal la xidhiidha gudashada waajibaadka Xajka, ayaa ka dib marti qaad loo fidiyey waxa uu soo booqday xarunta Masnaca biyaha Samsamka ee boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis ee magaalada Makka ee dalka Sucuudiga.

Martiqaadkan oo Murashaxa Madaxweynaha WADDANI uu u fidiyey Sheekh Cabdiraxmaan Al-sudeysi oo ah Imaamka iyo weli ba madaxa Masjidka barakeysan ee Alxarameyn, ayaa waxa ku wehelinaayey xoghayah xidhiidhka wadamada Carabta iyo dawladaha Islaamka ee Xisbiga WADDANI Ambassador Safiina iyo weli ba saraakiil kale.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ay xarunta Masnaca biyaha Samsamka ku soo dhaweeyeen madaxda ugu sar-sareysa ee Masnacaasi, ayaa waxa gebi ahaan ba uu soo maray dhammaan ba qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay masnacaasi, iyada oo sida oo kale na lagu martiqaadey misna lagu soo dhaweeyey goobo kale oo ka mid ah gudaha Xaramka Barakeysan ee Masjidka Alxarameyn.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka mahad-celiyey soo dhaweynta iyo qaabilaada looggu sameeyey gudaha xaruntaasi iyo weli ba Masjidul Xarameynka, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu soo booqdo xarunta masnacaha biyaha Samsamka ee boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis oo ku kacday sida oo kale na ku qiimeysan lacag ka badan $700,0000 Milion oo dollar(Todoba boqol oo Milyan oo Dollar).

Ugu dambeyntii Murashax Cirro, ayaa halkaas lagu guddoonsiiyey shahaado sharaf looggu tallo-galay, waxaana intaas ka dib kulan uu la qaatay madaxda sare sare iyo imaamyada Masjidka barakeysan ee Alxarmeynka, ay halkaas culimaa-uddiinkii ku sugnaa si weyn ugu soo duceeyeen iyaga oo Alle uga baryey in uu ku guuleeyo wixii uu doonaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.