Hargeysa – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo, ayaa galabta socdaal ugu baxay dalka Itoobiya, ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay rasal wasaaradaha dalkaasi Mr.Hailemariam Desalegn.
Murashax Cirro iyo weftigiisa, ayaa la filayaa in ay dalkaasi ku maqnaadaan muddo dhowr cisho ah, waxaana la filayaa in halkaas ay kulamo khaasa kula qaadan doonaan raysal wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Mr.Hailemariam Desalegn iyo madax ka tirsan dawladdiisa, ku waasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo khuseeya dhinacyada Somaliland iyo Itoobiya iyo weli ba sida oo kale doorashooyinka fooda ku soo haya Somaliland.
This post is also available in:
Somali