Munaasibad Lagu Muunadaynayo Sannad-Guurada 32-Aad Ee Kasoo Wareegtay Dib Ula Soo Noqoshadii Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland Oo Madaxtooyada Lagu Qabtay

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu muunaynayo 32-guurada kasoo wareegtay 18-kii Bishii May 1991-kii markii ay Jamhuuriyadda Somaliland dib ula soo noqotay xorriyaddeeda.

Munaasibaddan waxa madaxweynaha kala qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka Qaranka, guddoomiyaha golaha guurtida, guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee dalka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, Diblomaasiyiin ka socday qaar kamid ah dalalka caalamka, madaxda xisbiga KULMIYE, madax-dhaqameed, haween, haldoor kala duwan oo bulshada ka socda iyo marti-sharaf kale, waxana lagu soo bandhigay riwaayado iyo hogo-tusaalooyin lagu waynayo qiimaha maalinta dib ula soo noqoshada qarannimada, islamarkaana lagu muujinayo ahmiyadda nabadda iyo kaalinta ay ku leedahay horumarka bulshada.

Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa hambalyeeyey ciidamada qalabka sida iyo shacabka reer Somaliland ee aan u dabbaaldeggay munaasibadda sanad-guurada 32-aad ee dib ula soo noqoshada xorriyaddooda.

Guddoomiyaha golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa isaguna dhankiisa ciidamada Qaranka ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan ilaalinta Qarannimada iyo xuduudaha dalkooda, isaga oo uga digay cid kasta oo isu soo bahaysata inay waxyeellayso Qarannimada iyo wada-jirka bulshada, waxana uu yidhi,“Waxan ilaahay ka barayayaa in colaadaha allah inaga duwo inagu colaad dooni maynee ilaahay huwanta isa soo urursatay ee dagaalka inoo abaabushay ilaahay ha garan siiyo waxa la isu yahay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa ugu horrayn shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda 18-ka May, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay Qaran hana qaaday oo taabbo gal ah.

Madaxweynuhu waxa uu hogo-tusaaleeyey astaamaha looga baahan yahay qofka doonaya inuu bulsho hoggaamiyo iyo sida looga hoggaamiyaha looga rabo inuu bulshada kasbado,“Haddii aad doonayso inaad hoggaamiye noqoto waa inaad ahaato ninka dadka ugu fulaysan marka ugu horraysa oo aad dareenka dadka ka baqataa, waa inaad ahaato geesi aan jixin jixin markaad caddaaladda, hantida ummadda iyo cadowga daafacayso. Waa inaad bulshada inteeda badan kaxaysan kartaa oo ay ku maqli karaan oo aad aragtida aad doonayso ka dhaadhicin kartaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dagaalka Laascaanood ka socda, ayuu madaxweyne Muuse Biixi ka hadlay, waxana uu caddeeyey in cidddii dagaalkaas bilowday aan laga filaynin inay si nabad ah usoo afjarto, waxana uu yidhi,“Dagaalka Laascaanood ninkii bilaabay, furihii Albaabka dagaalka lagu bilaabay buu hayey, laakiin ma hayo furihii dagaalka lagu joojin lahaa, kaasina gacanta Somaliland buu ku jiraa.”

Wa-bilaahi Tawfiiq