Mudaaharaad rabsho watay oo Tel Aviv ka dhacay

ISRAAIIL – (WARSOOR) – Mudaaharaad rabshado watay ayaa xalay fiidki ka dhacay magaalada Tel Aviv, iyada oo uu gacan ka hadal dhex maray booliska iyo qaar ka mid ah dadka bannaanbaxa dhigayay.

Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay Tel Aviv Sabtidi si ay u dhigaan bannaanbax ay uga soo horjeedaan xukuumadda isla markaana ay ku dalbadeen in dib loo soo celiyo la heystayaasha Isra’iiliyiinta ah ee ay Xamaas ku hayaan gudaha Gaza.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa kor u hahay sawirrada askar dumar ah oo Israa’iiliyiin ah oo qaarkood dhawaan kasoo muuqday muuqaal ay baahisay Xamaas.

Muuqaalka ayaa laga arkay dumar ka mid ah millatariga oo ay gacanta ku dhigayaan dagaalyahanno ka tirsan Xamaas, xilli ay Xamaas weerareysay koofurta Israa’iil 7-badi bishii October ee sannakdi hore.

Mudaaharaadayaasha ayaa watay boorar ay ku qornaayeen “jooji dagaalka” iyo “Caawi.” Waxay ugu baaqeen dowladda in ay aqbasho heshiis lagu soo deynayo tobnaanka Israa’iiliyiinta ah ee gacanta ugu jira Xamaas.

Dadka Israa’iil ayaa si qoto dheer ugu kala qeybsan sida uu ra’isulwasaare Netanyahu u maareeyay dagaalka ay xukuumaddiisa ku qaadday Gaza ee ay sheegtay in ay uga soo horjeedo Xamaas.

Dagaalka ayaa billowday kaddib weerarki Xamaas, kaas oo la sheegay in lagu dilay ilaa 1,200 oo Isra’iiliyiin ah, laguna afduubay ilaa 250 kale. Isra’il waxay sheegtay ilaa 100 qof oo Isra’iiliyiin ah ayaa wali lagu hayaa Gaza, iyo sidoo kale meydadka 30 ruux oo ku dhintay Gaza.