Mr Walliam Golding: Ninkii Qiimaha Haweenka Fahmay W/Q : Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Walliam Golding waa nin u dhashay Waddanka Britain (Dalka Ingiriiska) oo ah  Qoraa Iyo Gabyaa Caan ah oo noolaa Sannadihii 1911 ilaa 1993-kii, waxa uu ahaa nin aad ugu caan baxay ka sakow qoraanimadda iyo Gabyaanimadda, hibo dhinaca Xigmadda iyo hal haysyo mahadhooyin reebay oo lagu yaqiinay arimo badan oo uu si Xigmadaysan u sheegayna  laga guntay ilaa maantana talo iyo tusaaleba loo soo qaato.

Novelist Walliam Golding waxa maalin maalmaha ka mida la su’aalay in uu wax ka yidhaahdo Qiimaha Haweenka waxaanu ku jawaabay Xigmad noqotay mid aan guurin oo Jiilba Jiil uga sii waramo oo laga guntay waxaanu yidhi“Waxay ila tahay Haweenka waa u doqoniimo hadii ay isku dhereriyaan Raga inay la mid yihiin, Sababto ah Haweenku waa kuwo ka cajaayibaad badan yihiin dhigooda Raga, waligoodna had iyo jeer way ahaan doonaan kuwo raga ka qiimo badan, bal eeg, wax kasta oo aad siiso Haweenay ? waxay u bedelaysa Wax weyn, hadii aad Shahwad siiso ? waxay ku siin doonta Ubad, hadii aad Guri siiso ? Qoys ayey ku siinaysaa, hadii aad midho siiso? Waxay ku siin doonta Cunto, hadii aad Qosol siiso (u qososho) ? waxay ku siin doonta Wadnaheeda, haweenaydu  wixii aad siiso waxay ka dhigi karta wax weyn waxaanay u bedeli kartaa waxyaabo badan , sida darteed, hadii aad Xabad Midho ah siiso u diyaar garaw inay ku siiso intaasi oo Tan oo Midho ah”

Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Abdiwali1991@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.