Minnesota: Askar lagu eedeeyay dilka nin madow ah oo shaqada laga eryey

MINNEAPOLIS — (WARSOOR) – Duqa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka Jacob Frey ayaa shaqada ka eryey afar sarkaal oo ka tirsan booliiska magaaladiisa. Afarta sarkaal ayaa loo haystaa dhimashada nin kasoo jeeda bulshada madow ee Maraykanka.

Haddaba faahfaahinta sida ay wax u dhaceen ayaa wariyeheena gobolka Minnesota Maxamuud Mascadde uu ka wareystay Xaashi Shaafi oo ka mid ah hogaamiyeyaasha bulshada Soomaalida ee gobolkaasi.