Mid ka mid ah dhinacyada ku dagaallamay Sudan oo lagu eedeeyay xarigga 5,000 oo qof

SUUDAAN – (WARSOOR) – Hayโ€™adaha xuquuqul insaanka ee Suudaan ayaa helay cadaymo ay kooxda Rapid Support Forces (RSF) ku xirtay caasimadda in ka badan 5,000 oo qof, waxayna ku hayeen xaalado biniโ€™aadantinimo ka baxsan, sida ay kooxdu u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters Jimcihii.

RSF ayaa muddo saddex bilood ah dagaal kula jirtay ciidamada Suudaan, iyagoo inta badan heysta caasimadda Sudan. Dadka deegaanka ayaa ciidamada ku eedeeyay inay dhac iyo boob u geysteen guryaha.

Mar wax laga weydiiyey RSF waxa ay sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan jirin, isla markaana ay hayaan maxaabiis dagaal oo si wanaagsan loola dhaqmay.


“Hay’aduhu waxay iska indho-tiraan xad-gudubyada ay ciidamadu ku hayaan dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin duqaymaha cirka iyo madaafiicda, xarigga, iyo hubaynta rayidka,” ayuu yiri wakiilka u hadlay RSF.

Dadka lagu xiray dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Khartoum ayaa waxaa ka mid ahaa dagaal-yahanno, balse sidoo kale 3,500 oo rayid ah oo ay ku jiraan haween taag daran iyo ajaaniib, sida ay hadaha xuquuql insaanka u sheegeen dad codsaday in magacyadooda la qariyo cabsi ay ka qabaan in la ciqaabo darteed.

Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii sheegay in ugu yaraan 87 qof lagu aasay xabaal wadareed ku yaalla magaalada El Geneina ee gobolka Darfur, isagoo ku eedeeyay RSF iyo maliishiyaadka xulafada ah inay dilka geysteen.