Maxkamadda ugu sarreysa Mareykanka oo go’aan ka gaareysa kiisas ku saabsan Trump

Mareykanka – (warsoor) – Garsoorka Maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa dhageysanaya kiis ku saabsan in madaxweyne Donald Trump loo oggolaado inuu sir ka dhigto xogtiisa dhaqaale iyo inkale.

Go’aankan ayaa noqon doona mid saameyn weyn ku yeesha awoodda madaxweynaha.

Mr Trump wuxuu ku gacan seyray inuu soo bandhigo warqado muujinaya hantida uu heysto iyo shaqada ay qabato shirkadda qoyskiisa.

Labo guddi oo ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo dacwad oogeyaasha New York ayaa dalbaday in loo soo gudbiyo macluumaadka muujinaya canshuur celintii uu sameeyay madaxweynaha.

Hase yeeshee, qareennada Mr Trump waxay ku doodayaan inuu xuquuq difaaceysa heysto inta uu hayo xilka madaxweynaha.

Khubarada arrimahan ku xeel dheer ayaa sheegaya in go’aanka kasoo bixi doona maxkamadda uu adkeyn karo awoodda ay Golaha Wakiillada kula xisaabtami karaan madaxweyne xafiiska ku sugan wali, sidoo kalena aysan sahlanaan doonin in dacwad oogeyaasha ay baaritaanno billaabaan.

Go’aanka maxkamadda ayaa la filayaa inuu soo baxo ka hor inta aysan dhicin doorashada madaxweynaha ee loo ballansan yahay bisha November ee sannadkan.

Haddii ay maxkamaddu soo saarto go’aan ka dhan ah Mr Trump waxay taasi ka dhignaan doontaa in sirtiisa la fashili doono xilliga uu socdo ol’olaha doorashada, kaasoo aad xasaasi u ah.

Garsooreyaasha ayaa kiiskaska ku dhageysan doona dhinaca telefoonnada, maadaama aan la isku imaan karin, coronavirus awgiis.

Maxay ku saabsan yihiin kiisaska?

Inta uu socdo dhageysiga saddex kiis oo la guda gali doono, waxay qareennada Mr Trump isku dayi doonaan inay hor istaagaan gudbinta caddeymaha.

Maxkamadaha hoose ee Washington iyo New York ayaa horay usoo saaray xukunno ka dhan ah madaxweynaha, kaddib markii ay dhageysteen dhammaan kiisaska.

Laakiin go’aannadooda waxaa loo dhigay dib, maadaama kiiska uu usii gudbay maxkamadda ugu sarreysa waddanka.

Labada guddi ee ka socda Golaha Wakiillada, ee ay aqlabiyadda ku leeyihiin xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa dalbaday xogta dhaqaale ee ku saabsan labo bangi oo uu la macaamilo Mr Trump – kuwaasoo kala ah Deutsche Bank iyo Capital One – iyo sidoo kale xogta la xiriirta koontooyinka madaxweynaha.

Deutsche Bank waa mid ka mid ah bangiyada faro ku tiriska ah ee oggol inay lacag amaah ah siiyaan Mr Trump kaddib markii uu wadashaqeyn fiican la sameeyay sannadihii 1990-meeyadii. Xogta la raadinayo waxaa ku jira macluumaad ku saabsan isticmaalka dhaqaale ee madaxweynaha iyo shirkadda qoyskiisa.

Qareennada Mr Trump ayaa ku doodaya in Congress-ka uusan awood u lahayn soo qufitaanka xogta u qarsoon madaxweynaha.

Baaritaannada lagu howlan yahay waxay khuseeyaan eedeymo la xiriira inay jiraan lacago uu si khaldan u isticmaalay qareenkii hore ee Mr Trump, Michael Cohen, kuwaasoo la sheegay inuu siiyay haween – Stormy Daniels oo jisha filimada anshax xumada ah iyo Karen McDougal oo horay uga mid ahaan jirtay dumarka dharka xayeysiiya.

Labadooduba waxay sheegeen inay xiriir lasoo sameeyeen Mr Trump. Laakiin madaxweynuhu wuxuu dafiray inuu wax xiriir ah lasoo yeeshay.

Xaaladdaas awgeed, qareennada Mr Trump waxay sheegeen in xogta ku saabsan kharashka uu isticmaalay aan loo gacan galin karin baareyaasha, maadaama uu yahay madaxweyne wali xilka haya oo xasaanad leh, wax dambi ahna aan lagu qaadi karin ilaa inta uu waqtigiisa ka dhammeysanayo.

Xaggey arrintu kasoo billaabatay?

Si ka duwan madaxweyneyaashii ugu dambeeyay ee Mareykanka, Mr Trump wuxuu diiday in la shaaciyo macluumaadka la xiriira canshuur celintii uu sameeyay, horayna waxaa usii taagnaa muranka la xiriira inta ay gaarsiisan tahay awoodda madaxweyne wali xafiiska jooga.

Sanadkii 1974-kii, maxkamaddu waxay si taariikhi ah u go’aamisay in madaxweynihii xilligaas, Richard Nixon, uu u hoggaansamo amar ay maxkamaddu ku soo saartay in la soo bandhigo macluumaadkiisa, kaddib markii lala xiriiriyay fadeexaddii Watergate.

Go’aan kale oo taariikhi ahaana, sanadkii 1997-kii, waxay maxkamaddu oggolaatay in la guda galo kiis ku saabsan xad-gudub galmo oo ka dhan ahaa madaxweyne Bill Clinton.

Garsooreyaashii ay soo magacaabeen Mr Nixon iyo Mr Clinton labaduba way kasoo horjeesteen markii go’aannada laga soo saarayay kiisaskaas.

Maxkamadda ugu sarreysa waxay leedahay tiro garsooreyaal ah oo aqlabiyadda go’aankooda uu ku kala sarreyn karo 5-4, waxaana ku jira labo garsoore oo uu Mr Trump soo xushay – oo kala ah Neil Gorsuch iyo Brett Kavanaugh.

XIGASHO: BBC SOMALI