”Maxay saami quudheed ugu sacabto tumayaan ”

Wadankii la odhan jirey Jamuuradii Soomaaliya , labadii qaybood ee ku midoobay waxay kala ahaayeen sidda ku qoran qoraalka Qaramadda mibooday ku diiwaan gelisay 08-08-1960, in 2 malyuun iyo laba boqol oo kun ay ka koobnayd, labadaa qaybood oo kala ahaa 1.3 malyan iyo 900 kun taasii ah 59%9 ka 41 % .

Dhinaca kale, sidda ka muuqata jaantuska Khariidadan oo ah tii ugu dambaysay ee ay samaysay haayadda sirdoonka Maraykanka CIA, Beelaha Soomaalidda ee ku dhaqan gudaha Dhulka Jamuuriyadii Soomaaliya la odhan jirey waxay kala yihiin sidan.

  • Hawiye 25 %
  • Isaaq 22 %
  • Daarood 17 % .
  • Dir ( Gadabiirsi ) 7%
  • Others 6 % .

Isla qiyaastaa waxaa raacsan buugaagta Un Mission in Somalia 1995 , Modern somali nationalism Sadia Touval iyo qaar kaloo badan.

Qiyaastan dambe hadii la raaco , oo la isu geeyo Isaaq 22 + Gadabiirsi 7 + Harti 12 = waa isla sidii horre 41 % .

Sidaa markay tahay, 3 Kursi ee Mogdisho yaala ee kala ah, Madaxwaynaha, Raysal wasaare iyo Gudoomiye Baarlamaan waxaa haysata oo iska lahayd ilaa 1964 Soomaalidda Koonfureed oo ka noqonaysa tiradda dadka 59 % , kuwaasoo Distoorka ku qortay in wax loo bixiyey 4.5 wax loo qaybsado taasoo guud ahaan dadka reer Somaliland ka dhigaysa in ay ku saami qaataan wax ka yar hal beel .

Sidaa markay tahay , siyaasiyiinta reer Somaliland ee Mogdisho joogta magacay doonaan ba ha lahaadeene , wuxuun baa hortaagan maansadii Jaamac Gaashaan-cadde ee 1993 odhan jirtay.

Iyagoo sarayn iyo,

Heli kara salaan qaran,

Maxay saami quudheed,

in la siiyo waligood,

Ugu sacabo tumayaan.

Q/w: Ahmed Nour Guruje