Maxakammada gobolka Togdheer oo burburisay khamri, iyada oo gaadiidkii lagu qabtayna xukun ku riday

Hargeysa – (warsoor) – Maxakammada gobolka Togdheer ayaa burburisay Khamri tiro badan, iyada oo xukuno ku riday gaadiidkii lagu soo qabtay.

Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Togdheer Jaamac Ducaale ayaa ka warbixiyay Khamrigaasi la burburiyay iyo sidii lagu soo qabtay waxaanu sheegay in Khamrigaasi ka koobaan sagaal boqol iyo sodon litir (930), kaas oo ay ciidamadda Boolisku soo qabteen xiliyo kala duwan, iyada oo ay baxsadeen dadkii Khamrigaasi doonayay inay soo galiyaan magaalada Burco, xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in lagu soo qabtay Khamriga laba Gaadhi oo noocoodu ahaa Langurusar iyo Seeraf Maxakmadda gobolkuna ay xukun ku riday.

Taliyaha qaybta ee ciidamadda Booliska ee gobolka Togdheer Gaashaanle dhexe Cali Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Ciidamadu ku daba joogayaan gacantana ku soo dhigayaan cid kasta oo ku hawlan ka ganacsiga maandooriyaha Khamriga oo uu sheegay in lagu baabinaayo mustaqbalka dhallinyarada iyo dhaqanka bulshada, waxaanu ka codsaday in dadweynaha gobolka Togdheer ay ciidamadda Booliska kala Shaqeeyaan la dagaalanka Maandooriyaha.