Maxaa kasoo baxay kulamadii ka dhacay Dhuusamareeb?

DHUUSAMAREEB – (WARSOOR) – Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka dhacayo kulamo gooni gooni oo shaley oo dhan u socdey madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya iyo dowlada dhexe ee federaalka.

Kulamadan ayaa la doonayey in kahor inta aanan kulanka guud la yeelan looga heshiiyo ajandaha shirka iyo xalinta tabashooyin madaxda qaar u dhexeysey.

Shaley galinkii horey waxaa kulmay madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe, Sidoo kalena xaley waxaa kulmey madaxweynaha Puntland Saciid Dani, Madaxweyne Farmaajo iyo Ahmed Madoobe.

Haddaba kulamadii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb iyo sida ay tahay xaaladda iminka, ayaa waxaa warbixintan ka diyaarisay Falastiin Axmed Iimaan.

Xigasho: Voa somali